Kulan ay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yesheen qaar ka mid ah dowladaha ku jira Urur gobaleedka IGAD ayaa waxa ay kaga wada hadleen la dagaalanka waxa reer galbeedku ay u yaqaanaan argagaxisadda.
Kulanka Urur gobaleedka IGAD ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray la dagaalanka ururada ka dagaalama dalalka geeska Africa sida dhaq dhaqaaqa AL-Shabaab ee dagaalka kula jira dowlada federaalka Soomaaliya ee beesha caalamku ay tageerto .
CEWARN, Richard Barno oo ka mid ah saraakiisha Urur gobleedka IGAD ayaa sheegay in dowlada ku midaysan IGAD ay ka go’ntahay in ay iska kashadaan ciribtirka dhaq dhaqaaqyada ka dhisan dalalka qaaradatan Africa dhaca.
Richard Barno oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in la sii xoojin doono howgallada nabad ilaalineed ee Qaarada ka socda sida kan Midowga Africa ay ka wadaan dalka Soomaaliya ee AMISOM.
Dalka Soomaaliya waxaa hada ka socda howgalka AMISOM oo tageero Milatari lagu siinayo dowlada Soomaaliya waxaa howgalka wada dowladaha Midowga Africa oo tageero ka helaya Beesha Caalamka.
dhageyso warbixin: