Falanqeynta taariiq ee kulanka Premier league Manchester United ? – ? Newcastle United

0

manchester United ayaa eegeysa guusheedii seddexaad oo xiriir ah horyaalka Premier league xili labadii kulan ee hore ay ku soo baxsanayeen halkoo gool.

Kulanka: Manchester United ? – ? Newcastle United

Garoonka: Old Trafford, Manchester

Garsooraha:Craig Pawson

Saacada:2:45 duhurnimo

Maalinta:Sabti

Taariiqda: August 22, 2015

599598_434358713284607_1947793290_n

Marouane Fellaini ayaa kulankiisii ugu dambeeyay ganaax ku jira Premier league halka Phil Jones uu dhaawacan yahay.

Daryl Janmaat ayaa ka ganaaxan kooxda Newcastle United.

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Manchester United ayaa badisay shan kamid ah lixdii kulan ugu dambeeyay horyaalka Premier league ay la ciyaartay Newcastle halna waa laga badiyay.

United kaliya waxaa laga badiyay labo kamid ah 25-kii kulan ugu dambeeyay Premier league ay la ciyaartay kooxda Newcastle,18 waa ay badisay shana bar baro.

Newcastle United ayaa kaliya mar uun kusoo badisay Premier league garoonka Old Trafford 21 jeer ay booqatay,13 guuldaro ayaa ku dhacday halka 7 bar baro ay ku dhamaatay,halka mar ay kaga soo badisay United garoonkeeda waa sanadkii 2013 bishii December markaas oo 1-0 ay ku soo idlaatay ciyaarta.

Red Devils ayaa badisay 15 kamid ah 19-kii kulan ugu dambeeyay horyaalka Premier league ay ku ciyaartay garoonka Old Trafford.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay 12 gool waxaana uu caawiyay wax ka badan 7 gool 20-kulan Premier league uu ka horyimid kooxda Newcastle.

Newcastle ayey guuldarada ugu badan ka soo gaartay horyaalka Premier league kooxda Manchester United waana 25 jeer.

Morgan Schneiderlin ayaa ahaa labadii kulan ee United ay ciyaartay Premier league xiddiga ugu orodka badan Man United garoonka dhexdiisa.

Newcastle ayaa laga badiyay haatan 7 kulan xiriir ah horyaalka Premier league oo ay ku soo ciyaartay banaanka taas oo ah wax aan ku dhicin tan iyo 1999-kii.

Ma  dhicin Siddeed kulan xiriir ah in looga soo badiyo Newcastle banaanka horyaalka tan iyo October 1977-dii.

Seddexdii kulan ugu dambeeyay kooxahan dhexmaray waxaa wada badisay United waxaana ay dhalisay siddeed gool kaliyana hal ayaa laga dhaliyay.

United ayaa eegeysa guusheedii seddexaad Premier league,waxaa ay kamid tahay afar koox oo heysta dhibco iskumid labo kulan kadib.

Man United ayaa ilaashatay goolkeedii labadii kulan furitaanka horyaalka waana wax aysan sameyn tan iyo 2005-06.

Tababaraha kooxda Newcastle Steve McClaren ayaa horay labo sano iyo bar kaaliye waxaa uu uga ahaa Man United  Sir Alex Ferguson intii u dhaxeysay 1999 ilaa 2001 waxaana uu la qaaday seddex Premier league,Champions league iyo FA Cup oo ay ka qaadeen finalkiisa Newcastle oo tababare uu u yahay haatan.