WAR DEG DEG AH:Alshabaab Oo Qarax Ismiidaamin Ah Ka Fuliyey Jaamacadda Kismaayo Oo Raaskambooni Xalay Magan Galeen

0

Kismaayo(AGGM) Falaagada Alshabaab ayaa weerar ismidaamint ah ku qaaday Xarunta Jaamacadda Kismaayo gaar ahaan qaybta lagu tababaro Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in qaraxasi loo adeegsaday gaari nooca NOHA-da loo yaqaano.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu saaka ka soo dhaqaaqay gudaha Magaalada Kismaayo iyadoo la shaaciyey in laga soo buuxiyey walxaha qarxa,waxaana wararku sheegayaan in qaraxaasi ahaa mid la soo qorsheeyey looguna tallo galay in lagu xasuuqo Maleeshiyaadka Raaskambooni iyadoo qaraxaasi looga shakisan yahay inay fududeeyeen qaar ka tirsan horjoogayaasha & Hoos joogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee kismaayo ku sugan.

Gaarigan ayaa la sheegay in la soo dhigey barta lagu tababaro Maleeshiyaadkaasi gaar ahaan meesha ay soo istaagaan Tababarayaasha iyo maleeshiyaadka la tababarayaa,waxaana la sheegay in markii Maleeshiyaadka tababarka la siinayey iyo kuwii tababarayey ay halkaasi soo istaageen gaarigaasi la qarxiyey.

Wararka horu dhaca ah ee weerarkaasi ka soo baxaya ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare lixaad leh iska markaasna soo gaaray Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo tababarayaashoodii,waxaana hadda buux dhaafay isbitaalka ciidamada Kiiniya ku leeyihiin Jaamacada Kismaayo qaybta ay ka degan yihin iyo isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Allgalgaduud ayaa xalay shaaca ka qaaday in Maleeshiyaakda Raaskambooni iyo horjoogayaashoodu xalay ka carareen gudaha Magaalada Kismaayo iyagoo magan galay ciidamada Kiiniya ka dib markii ay heleen war ku saabsan in Alshabaab weerar ku soo yihiin Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii waxaa la shaacinayaa in Horjoogayaal ka mid ah Maleeshiyaadka Raaskambooni weerarkani ku naf waayeen iyadoo qaar kale oo badaniina ay ku dhaawacmeen,waxaana la sheegayaa in xaaladooda caafimaad lagu dababiyo saldhigayadda ciidamada Kiniya iyo isbitaalka magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com