Iyadoo uu khilaaf Siyaasadeed ka dhex aloolsan yahay DF Somalia iyo Maleeshiyada Raaskambooni, ayaa waxaa arrimahaasi si kulul uga hadlay Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Arrimaha Gudaha BF Somalia Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Xildhibaan Jeesow, ayaa sheegay in Maleeshiyada Raaskambooni ay Gobolada kale dalka u horseedeyaan burburinta shuruucda dalka, waxa uuna ka digay in Maleeshiyada Raaskambooni ay ku sifowdo astaamaha Qaran dumiska.
Waxa uu sheegay in DF Somalia ay dooneyso inay waxbadan ka bedesho hanaanka lagu hogaaminaayo Siyaasada Somalia, balse ay waxbadan ka qabsoomi la’yihiin Maleeshiyada Raaskambooni oo doonaya in sharciga dalka ay ka dhigaan mid iyaga u gaar ah.
Xildhibaan Jeesow oo ka duulaya Siyaasada dalka, ayaa waxa uu laba arrin hordhigay Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni waxa ayna kala yihiin inay u hogaansamaan awaamiirta Masuuliyiinta DF Somalia iyo inay shaaca ka qaadan waxa uu yahay Mowqifkooda, si go’aan cad looga gaaro.
Xildhibaan Jeesow ayaa soo hadal qaaday doorashadii Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee uu isku caano shubay dhawaan isagoo taas ku tilmaamay mid aan xalaal ahayn sidaas daraadeed loo baahan yahay in Horjoogeyaasha Raaskambooni ay dib isugu noqdaan ayna u diyaar garoobaan maamul dadka deegaanada Jubbooyinka u dhan yihiin oo aan u adeegeen koox dano gaar ah leh.
Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay shacabka ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka in ay midoobaan ayna meel uga soo wada jeestaan aayahooda taasina ay ku gaari karaan maamul fiican in ay sameystaan.
Isku soo wada duuboo dhawaan ayay ahayd markii uu shaaciyay Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe in la doortay halka dadka deegaanada Jubbooyinkana ay ku eedeeyeen in uu afduub ku heyso dadka gobolada Jubbooyika isagoo kaashanaya ciidamada Kenya.