DEG DEG : Ra’iisal Wasaaraha Gariiga oo si lama fillaan ah isku casilay.

0

Ra’iisal Wasaaraha Wadanka Gariiga, Alexis Tsipras, ayaa si lama fillaan ah ugu dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay, ka dib khudbad uu xalay ka jeediyay Telefishinka Qaranka.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa khudbadaasi ku sheegay in warqadda istiqaaladiisa uu u gudbinaayo Madaxweynaha, isla-markaana la qaban doono doorasho qof iyo codkii ah, sida uu yiri.

Ra’iisal Wasaaraha waxa uu bidhaamiyay inuu mahdinaayo inuu fuliyay waxyaabihii uu ballanqaaday, xilligii uu waday olalaha uu jegadaasi ugu soo baxay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaal adag uu la galay Wadamada Reer Galbeed ee daymaha ku leh dalkiisa, barnaamijkiisii la xiriiray gunti isu giijinta dhaqaalaha Gariiga.

REY

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku faanay in wada xaajoodyo badan ay la galeen Ururka Midowga Yurub, kuna saabsanaa wax ka bedel lagu sameeyo daymaha uu Ururku ku lee yahay dalkiisa.

Alexis Tsipras, ayaa qaba in waqtigan la jooggo xilligii dadka Gariiga ay go’aamin lahaayen mustaqbalka dalkooda, isla-markaana ay ka fekeran shakhsiga ay xilka ku aaminayan.

Mr. Tsipras, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay eedeymo xoogani kala kulmaayay Masuuliyiin Xisbigiisa ka tirsan, walow shacabka reer Gariig ay taageero ballaaran u hayaan.