Kismaayo(AGGM) Waxaa caawa Maleeshiyaadka Raaskambooni ee ku sugan gudaha iyo nawaaxiga Jaamacadda Kismaayo soo wajahay xaalad culus oo cabsi ah,waxaana la sheegaya inay ka war heleen in Falaagada Alshabaab weerar ku soo yihiin nawaaxiga Jaamacadda Kismaayo iyo saldhiga Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegayaa in Maleeshiyaadka Raaskambooni difaacyo ka xirteen gudaha Magaalada Kismaayo & Jaamacadda Magaalada Kismaayo.
Hoos-jooge Aadan Koojaar oo ah Taliyaha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegay inuu ka soo cararay duleedka Buulo gaduud ka dib markii ay ka war heleen in Maleeshiyaadka Raaskambooni weerar ku soo yihiin gudaha Magaalada kismaayo gaar ahaan saldhigyadda ay farisiimaha ku leeyihiin Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Jaamacadda Kismaayo.
Maleeshiyaadka Raaskambooni waxaa wali dhegahooda ka soo baxaya xasuuqii Alshabaab u ugu geysteen Xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaasi oo bilo ka hor ku xasuuqeen kontomeeyo ka mid ah Maleeshiyaadka Raaskambooni ee la soo aruuriyey Gaarisa Gubaay Iyo Kilinka 5-aad,waxaana sidoo kale hadda ka hor Falaagada Alshabab xasuuq baahsan ugu geysteen Jasiirada Kudhaa oo ay ku dileen in ka badan 100 askari oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Raaskambooni.
Hoos-Jooge Aadan Koojaar ayaa la sheegay inuu caawa magan u noqday Saldhiga ciidamada Kiiniya ee ku yaal Xaruntii Jaamacada Kismaayo,waxaana la sheegayaa in Maleeshiyaadka Raaskambooni oo dhan halkaasi ku aruureen iyadoo intii Magaalada joogteyna ay isku aruursadeen Saldhiga Magaalada Kismaayo.
Lama oga in Weerarka Alshabaab uu noqon doono dhab iyo inay tahay cabsi galin Maleeshiyaadka Raaskambooni lagu cabsi galinayo,waxaana la sheegayaa in Maleeshiyaadka Raaskambooni caawa ay soo foodsaartay cabsi tii ugu darnayd.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com