Maamulka Gobolada dhexe ee fadhigiisu yahay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inaanay wax waada hadal ah la galeyn Maamulka Galmudug oo Hogaankoodu uu sheegay inay doonayan qancinta dhinbacyada ka soo horjeeda maamulka Galmudug sida Ahlu Sunna Waljamaaca.
Madaxweyne ku xigeenkaAhlu Sunnada dhuusamareeb Xasan Gaboobe ayaa u sheegay Mustaqbal in aayaha gobolada dhexe cida kaliya ay kala hadlaayn ay tahay dowladda Federaalka.
Maamulka Galmudug ayaa dib u dhigay magacaabista golaha wasiirrada muddo 15 cisho ah kadib markii madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed uu dalbaday in muddada loo kordhiyo si Ahlu Sunna loogu qanciyo maamulka Galmudug lguna daro golha Wasiirrada maamulkaasi.
hadalka Ahlu Sunnada Dhuusamaareeb waxaa uu ka hor imanayaa qorshe ay wadaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo dhex dhexaadin ka dhex wada Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.