TOP DHAGEYSO : Faah Faahin, Guddoomiye Kuxigeenkii Dagmadda Buulomareer oo la dilay.

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Buulomareer ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Koox Hubeysan ay dileen Alle ha u Naxariistee Guddoomiye Kuxigeenkii Buulamareer Xaaji C/qaadir Sheikh Xuseen xili uu ku sugnaa Gurigiisa.

Dilka ayaa la sheegay in uu Salka ku hayo Aano Qabiil sida uu Xaqiijiyay C/fitaax Xaaji Cabdulle oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Dhanka Maaliyada Gobolka Shabellaha Hoose.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in Mas’uul dowladeed loo dilo Arrimo la xariira Aar goosi qabiil.

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Dagaalo u dhexeeya Beelo wada daga Gobolka Shabellaha Hoose..

DHAGEYSO CODKA: