Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobollada Dhexe Cabdullaahi Xirsi Diirshe Prof Daacad oo u All-Galgaduud Media ayaa sheegay in Ciidamada Galmudug ay isku dayeen in ay xiraan.
Prof Daacad ayaa daboolka ka qaaday in xilli uu ku sugnaa Cadaado ay Ciidamado kuwa Galmudug ah hareereeyeen islamarkaana ay isku dayeen in si qasab ah ay ku xiraan.
Ujeeda loo xiri rabay ayuu sheegay in ay ahayd kadib markii ay ku eedeeyeen in uu carqalad ku yahay wadahadallada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhawaan ku dhawaaqay in wadahadal uu la furayo Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.
Hoos ka dhageyso: