Ciidamada AMISOM ee ka socda Dowladda Itoobiya iyo kuwa Milatariga Dowladda Soomaaliya ayaa Xalay iskaga baxay Degaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Xaqiijiyay Wararka ah in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ay Faarujiyeen Ceel-lahelay.
Inkastoo aan la ogeyn Sababta ka danbeysa ee Ciidamada Huwantaa ay uga baxeen Degaanka Ceel-lahelay ayaa waxaa la soo warinayaa in ay qabteen Dhanka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Waa Markii Labaad ee Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya ay ka baxaan Degaanka Ceel-lahelay.
DHAGEYSO WARBIXIN: