Faah faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa safar Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga ay ku tageen dagmadda Baardheere ee gobolka Gedo.
Wafdiga wasiirka oo ay ku wehliyaan Ku dhawaad 5- Xildhibaan oo gobolkaasi ka soo jeedda ayaa waxaa sidoo kale la socda xumno ka mid ah wasiiradda dowladda somaliya.
Wafdiga wasiirka ayaa Maanta intuu uu ku sugnaa Baardheere booqday xarumaha waxbarashada, caafimaadka iyo isagoo kulamo la qaatay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamadda Dowladda ee gobolka Gedo.
Wuxuu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha ciidamadda dowladda ee gobolkaasi,
Nabadoon Cadow Siraad Faarax Oo Kamid ah Waxgaradkii la kulmay wafdiga wasiirka ayaa AGGM Oga warbixiyay qaabkii loogu soo dhaweeyay dagmadda baardheere wafdiga ka socda dowladda somaliya.
DHAGEYSO WAREYSIGA NABADOONKA UU SIIYAY ALL-GALGADUUD.
Ugu Danbeynna wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga ayaa ka gudbay dagmadda baardheere iyagoo aaday dhinaca dagmadda Dinsoor oO Dhawaan ciidamadda Dowladda Ay La wareegeen,
Wafdiga wasiirkanna waxey dib ugu soo laaban doonaan dagmadda Baardheere iyadoo ay guda gali doonaan dhismaha Maamulka Dagmadaasi .
Halkaan kala soco faah faahinta iyo Codad, sawiro ku raali galiya Insha allah,