TOP DHAGEYSO : Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay Darbiga laga dhisayo Xadka.

0

Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Kenya Xubno ka socda oo shalay yimid Magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo looga hadlayay arrimo dhowr ah ayaa waxaa la iskula soo qaaday arrimaha Darbiga Kenya iyo dhibaatooyin kale ay Soomaalida kala kulmeen xadka wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo Shabelle la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay kala hadleen Masuuliyiintaas ka socday dowladda Kenya.

Mr Xuseen Carab Ciise ayaa ku nuux nuuxsaday in qodobada ay ka wada hadleen dhanka Kenya xubnaha matalayay inta badan la isku afgartay isagoo ku nuux nuuxsaday in ay hor dhigeen cabashooyin badan oo Soomaalida ay ka muujiyeen Ciidamada Kenya ee xadka ku sugan.