DHAGEYSO WAREYSI:- Wasaarada Amniga oo digniin u jeedisay Shacabka Muqdisho.

0

Wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada Federaalka sooomaaliya ayaa sooo saartay amar ah in dadka ku nool Magaalada Muqdisho aysan guryahooda ka kireyn karin cid aysan ku wargelin Maamulka Degmada iyo Saldhiga Booliska ah.

Wasaarada Amniga gudaha ayaa sheegtay in arrintaani ay sahleyso in la ogaado cid walbo oo lidi ku ah amaanka Caasimada Muqdisho, waxay xustay in ay doonayaan in ay si guud u xaqiijiyaan amaanka Caasimada Muqdisho.

Afahayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ka dambeysay amarka ay soo rogtay Wasaarada.

Sidoo kale Afahayeenka ayaa sheegay in Dowlada ay la wareegi doonto Masuuliyada gurigii lagu arko hub iyo walxaha qarxa, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in guri laga kireeyo cid aysan ka warqabin laamaha amniga.

17-bishaan ayay ahayd markii Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ay galeen guri lagu diyarinaayay walxaha qarxa oo ku yaalla Magaalada Muqdisho,gaar ahaan Degmada Kaaraan waxaana dadkaasi iyo hubkii ay diyaarinaayay gacanta ku haya iminka Wasaarada Amniga Gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

DHAGEYSO WAREYSIGA: