Alshabaab oo fal fool xun ku fulisay Ruux shacab ahaa

0

Al shabaab ayaa waxay Xukun Gacan Goyn ah ku fuliyeen Nin ay ku eedeeyeen inuu xaday Neef Lo’ ah oo Qiimahiisu gaaraya $100 oo u dhiganta Lacata Soomaaliya (Labo Milyan oo Kun oo Sh.So.).

Meel Fagaaro ah oo ku yaalla Deegaanka Toratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Al shabaab waxay Gacanta Midig uga jareen Nin Dhalinyaro ah, kadib markii Maxkamadooda ay Xukunkaasi ku riday.

Waxaa Meesha uu xukunkaasi ka dhacay la isagu keeney Dadweyne badan, oo Caruur iyo Haween ay ku jireen, waxaana iyagoo arkaya Al shabaab Seef gacanta uga jareen Ninka Eedaysanaha ah.