Al-shabaab oo laga saaray deegaan ay dhowr sano ka arimin jireen

0

Wararka ka imaanaaya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa waxay sheegayan in Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Amisom, ay la wareegen gacan ku haynta deegaanka Ceelboon.

Ururka Al Shabaab, ayaa muddo ka badan toddobo sano ku sugnaa deegaankaasi, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Waajid iyo Luuq, waxa uuna hoostaggaa Degmadaasi Waajid.

Ciidanka Liyuu Boolis ee Itoobiya, ayaa ka qayb qaatay dagaal ballaaran oo gelinkii dambe ee shalay Ururka Al Shabaab looga qabsaday deegankaasi, waxaana xilligan la soo sheegayaa inay si buuxdo ugu sugan yihiin Ciidamada Huwanta.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Bakool, C/nuur Maxmed Xasan, ayaa qiray in dagaal qaraar ay Ururka Al Shabaab kula galeen deegaanka Ceelboon, ugu dambeena ay kala wareegen.

Sidoo kale waxa uu sheegay dagaalkaasi inay ku dileen 11 ka mid ah dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, halka tiro kalana ay kaga dhaawaceen, sida uu yiri.

Sarkaalkan, ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay is dejiyan, isla-markaana ay Ciidamada Huwanta u socdaan inay beegsadaan uun Shabaab, gurmadna ay u fidiyan kuwa u baahan.

Hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobe, ayuu ugu yeeray inay yimaadan dhulka laga saaraayo Ururka Al Shabaab, si ay gacan ugu fidiyan dadka nugul.