TOP DHAGEYSO : Maamulka Puntland Oo Si Kulul Oga Jawaabay Eedemo Uu Usoo Jeediyay C/kariin Guuleed.

0

Wasiirka warfaafinta Maamul Goboleedka  Puntland  Maxamuud Xassan Soocade ayaa beeniyay eedeen kaga Timid Maamulka Galmudug ee Gobolada Dhexe

Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay in warar aan Jirin ay Yihiin arinta ku aadan in Maamulka Puntland uu wado qorshayaal loogu soo Horjeedo Maamulka Galmudug

Sidoo kale waxa uu beeniyay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocade arinta ku aadan in Maamulka Puntland iyo Maamulka ahlusuna ay xiriir wada leeyihiin

Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in uusan Taageero siin doonin Maamulka Galmudug oo dhawaan Laga dhisay Magaalada Cadaado ee Gobolka Dhexe isagoo sheegay in si sharci daro Lagu dhisey