Qaarkamid ah waxgaradka iyo Aqoonyahanka gobolada Jubbooyinka ee ku sugan magaalada Columbus Ohio ayaa kulan saxafadeed ay ku qabteen manta Columbus kaga hadlay arimo doora oo la xariira xaalada Jubbooyinka iyo siyaasada guud ee dalka Soomaaliya.
Waxa ay si qoto dheer uga hadleen faragalinta Itoobiya Kenya & IGAD ay ku hayaan Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyaga oo canbaareeyay falkii ay ku carqaladeeyeen howlihii maamulka gobolka Gedo iyo xarigii ay u gaysteen masuuliyiin ka tirsan gobolka Gedo.
“Dowladaha jaarka ahi waxa ay si cad u maamulayaan dalka Soomaaliya halka aysan jirin wax dowlad ah oo la xisaabtami karta xiligan taasina waxa ay muujinaysaa in Madax banaanida qaranimadeenu aysan ahayn mid cad oo ay say doonaan dalka ka yeelayaan dowladaha jaarkaa” sidaa waxaa yiri Dahir Cali Dhuux oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka hadlay kulankan.
Suldaan Gureey Xaaji Farax ayaa dhankiisa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka gaabisay ilaalinta qadiyada iyo xalinta qilaafaadka siyaasadeed ee dalka, isaga oo dhanka kale xusay in Musuq maasuq iyo wax isdabo marin lagu mashquulay halkii Haykalka guud ee dalka loo jeesan lahaa, waxaana wax qabadkii dowlada ku soo aruuray kana siib kana saar oo ah kala badalka madaxda dalka iyo dhaqaalaha calamku bixiyo si shaqsiya loo adeegsado, waxa uuna dhanka kale Baaq u diray dadka gobolada jubbooyinka in ay aayahooda ka tashadaan kuna baraarugaan Gumaysiga iyo hagardaamooyinka dowladaha Jaarka ay la doonayaan shacabka iyaga oo muujinaya in ay Beel gooniya la jiraan lakin taasi aysan waxba ka jirin.
Mahad wadeeca Alle oo kamid ah oday dhaqameedaka ka hadlay kulankan ayaa wax uu dhankiisa xusay in Itoobiya farogalin qaawan ay ka wado gobolka Gedo iyada oo xarig iyo masaafurin isugu dartay qaar kamid ah madaxdii dalka, taasna sida uu xusay Itoobiya waxa ay ku mar marsiyoonaysaa in ay Maamulka Axmed Madoobe Taageerayso waxaase jira ayuu yiri Arimo ka xeeldheer oo Soomaalidu xiligan ku baraarugsanayn.
Nabadoon Jaamac Ciise Bariir ayaa Baarlamanka Soomaaliya ku amaanay Howlaha ay xiligan wadaan isaga oo sida uu hadalka u dhigay sheegay in dowlad dalka iyo dadka hanan kartaa aysan dalka ka jirin loona baahanyahay in la helo dowlad u adeegsta qaranka isla markaana difaaci karta jiritaanka dalka iyo dadka.
Inta badan Waxgaradkii ka hadlay Kulan saxaafadeedkan ayaa waxa ay ka sinaayeen muujint a xadgudubka Itoobiya Kenya & IGAD iyaga oo wakiilka IGAD ee Soomaaliyana ku tilmaamay Nin u adeegaya danaha qosyka uu ka dhashay isaga oo meel uga dhacay madax banaanidii dalka Soomaaliya.
Ugu danbayn ayay Baaq u direen dhamaan Umadda Soomaaliyeed oo ay ugu yeereen in ay ku baraarugaan hagardaamada dowladaha ay xuseen iyo IGAD ay ka wadaan Soomaaliya iyo dhacdooyinka Ciidamada AMISOM ay u gaysanayaan shacab badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo aan ilaa hada Magdhow looga qaadin dilalkii loogu gaystay, Marka, Beledweyne, Halgan, iyo Baardhere.
DAAWO SAWIRADA: