Xildhibaan Cabdibarre Yuusuf oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in 100% ay ku kalsoon yihiin in ay ka mira dhaliyaan Mooshinkooda.
Cabdi Barre Oo uwaramayay Shabakadda All-Galgaduud Media ayaa dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu tilmaamo qas wadayaal iyagoo ka dhiidhiyay wax qabad xumada Madaxweynaha wax uu ku sheegay , iyo ku xad gudubka Sastuurka sida uu hadalkau dhigay.
“ shacabka Soomaaliyeed ayaan annagu afhayeen u nahay , wax allaala wixii qaranka Soomaaliyeed dib u dhac ku keenaya waan laaleynaa” ayuu yiri Xildhibaanku.
Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay qabtay shir jar’id oo u muuqday in uu isaga difaacayo Mooshinka laga geeyay Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladdiisa ay wax badan qabatay islamarkaana aysan u dhutin doonin koox yar oo qas wadayaal ah Hindiso ay wataan oo uu ula jeedo Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay.
Hoos Ka dhageyso Wareysiga: