Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa xaqiijiyay in Mooshin laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, 12-kii bishan oo ku beegneyd Arbacadii.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in Mooshinka ay u maarayn doonaan si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan, sida uu yiri.
Jawaari wuxuu iclaamiyay in Somaliya ay xalisan karto arrimaheeda gaarka ah, isagoo soo hadalqaaday in hadda ka hor ay soo mareen arrimo Mooshin xil ka qaadis ah Madaxda Xukuumadda, isla-markaana ay wado Dastuuri ah ku maareeyen.
Bayaan uu soo saaray Gudoomiyaha, ayaa lagu sheegay hadalkan. Bayaanka ayaa u qornaa sidatan: