Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka ah ugu firfircoon ee ka soo jeeda deegaanadda Jubbaland ayaa si kulul oga hadley doorashada la sheegey in ay magaalada Kismaayo ka dhaceyso maalinta sabtida ah, taasoo uu ku tilmaamey mid sharci-darro ah oo aaney marnaba aqbaleyn.
Waxaa xildhibaanku uu doorashada lagu wada in maalinta Sabtida loo qabto Kooxda Axmed Madoobe si cad ugu sheegey in ay tahay mid uu Axmed Madoobe waqtiga ku dheeraysanayo oo ay wadaan dad uu isaga soo uruursadey, kuwasoo uu doonayo iney gacmaha u taagaan.
Xildhibaan Magan oo wareysi aad u kulul u gudbiyey Idaacadda BBC-da ayaa si qeexan u sheegey in Baarlamaanka Fedaraalka ah uu Saddex arimood si buuxda sharci oga soo saarey, kuwaasoo kala ah: Baarlamaan ku sheegga kismaayo ee hadda jira iyo Guddiyadii madaxa bannaanaa ee kala aha: Gudigga Xudduudaha iyo Guddiga doorashada, hase yeeshee qodabadaas uu Baarlamaanka Fedaraalku Mamnuucey aanan midna laga fulin.
Waxaa Xidhibaan Magan uu wareysigiisa ku sheegey in eedda oo dhan ay leeyihiin Hey’adaha Dawladda Fedaraalka u qaabilsan Fulinta iyo Xeer-ilaalinta, kuwaasoo aan waxba kasoo qaadin go’aamadii Baarlamaanka Fedaraalka uu maamulka Jubba horey oga soo saarey.
Xildhibaan Magan oo sii wata hadalkiisa ayaa mar uu ka hadley tallaabada ay qaadi doonaan sheegey in ay si dhab ah ula xisaabtami doonaan Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha iyo Golaha Wasiirada, isla markaana ay Beesha caalamka u gudbin doonaan xadgudubkaan dhinaca sharciga ah.
Ugu dambeyn Xildhibaan Magan waxaa uu sheegey haddii ay dhacdo in la citiraafo doorashada muddo kordhiska ah ee ay wadaan Axmed Madoobe iyo xulafadiisa in taas laga dhaxli doono cawaaqib-xummo, ujeedada ka dambeysana ay tahay in dib loo soo cusbooneysiiyo dagaaladii sokeeye ee horey loogu hoobtey.