Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa Maanta dib u dhigtey dhegeysiga dacwad u dhaxaysa Wasaarada Warfaafinta Puntland iyo Idaacada Sahan oo dowladu kusoo dacweysey warbixin ay ka qoreen sababaha keenay in uu baaqdo dabbaal deggii xuska Kowda Agoosto ee lagu qaban jirey Barxadda Garowe.
Eedeymaha Wasaaraddu usoo jeedisey Radio Sahan ayaa Waxaa Kamid Ahaa In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay inuusan weli helin eedo macaquul ah oo ka dhan ah Radio Sahan, sidaas darteed kiiskaas dhegeysigiisa dib loo dhigay.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in Dastuurka Puntland qabbo in lays dhaliilo, xoriyatul-qowlkuna furan yahay.
Gudoomiyaha Suxufiiyiinta Puntland ee MAP, Faysal Khaliif Barre, ayaa isna sheegay in ay wa lagu farxo tahay in sharciga ay ku kala baxaan Saxaafadda iyo Dowlada Puntland.
“Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa waxay dhamaantood ku faraxsan yihiin isla markaasina ay soo dhawaynayaan in Dowladdu ay qaadato go’aan qaan-gaarnimo ah oo cabasha ay ka qabaan saxaafada u gudbiyaan si sharci ah” ayuu yiri Faysal.
Ugu dambayntii Faysal ayaa ku boorriyey Dowlada in eedaha iyo dacwadaha ay ka soo gubinayaan saxaafaddu noqdaan kuwo ku saleysan shuruucda Puntland, balse aysan noqon kuwo loogu caga juglaynayo warbaahinta.
DHAGEYSO WARBIXIN: