Gobolka Gedo: Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Degmada Burdhubo.

0

Sarkaal katirsan Ciidanka Militariga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Gobolk aGedo, oo lagu magacaabo Cusmaan Tuureyle ayaa AGGM u sheegay in Dagaal Khasaaro geestay uu ka dhacay Degmada Buurdhuubo.

Cusmaan ayaa sheegay in Dagaalka uu ka dhacay Koontaroolka laga galo Degmada Buurdhuubo, kadib markii Ciidanka halkaasi ku sugan ay isku dhaceen Ciidamo ah oo kusoo jeeday Degmada, oo ay uga shakiyeen inay Al shabaab yihiin.

“Saddex Askari ayaa ku dhaawacanatey Iska-horimaadka Saakay ka dhacay Koonatrool Buurdhuubo, Dagaalka wuxuu u dhaxeeyay Labo Ciidan oo kala shakiyay, waana uu joogsaday hadda Xaaladda waa caadi oo wax dhibaato ah ma jiraan,” ayuu yiri Cusmaan.

Degmada Buurdhuubo oo gacanta u gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya Bishii Maarso, ee 2014-kii ayaa wali ah mid ka go’doonsan Gobolka Gedo Degmooyinkiisa kale, kadib markii Al shabaab ay go’doomin kusoo rogeen.