TOP DHAGEYSO: Madaxweyne Ku Xigenka Puntland Oo Daah furay Mashruuca Talaalka Xoolaha.

0

Munaasibadda lagu daahfurayay mashruucaan tallaalka iyo daaweynta iskugu jira ayaa waxaa sidoo kale joogay madaxda wasaradda Xanaanada xoolaa, dhakhatiirta howsha gacanta ku haysa iyo saraakiil ka socday Hay’adda FOA oo dhaqaalaha ka caawinaysa.

Madaxwayne ku xigeenka Puntlad Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Camay ayaa maanta daah-furay tallaalka xoolaha oo sanadkan diiradda la saarayo cudurada Jadeecada iyo Fuqura.

Madaxweyne Ku Xigenka Oo halkaasi ka Hadlay ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga hortago cudurada xoolaha, maadama Soomaalida intooda badan dhaqaalahooda ku tiirsan yahay xoolaha nool, sidoo kale kooxaha baxaya ayuu kula dardaarmay inay si wanaagsan usoo gutaan waajibaadka saaran.

Dhinca Kale Wasiirka xanaanada xoolaha Maamulka Puntland Cabdi Jamaal ayaa sheegay inay sanadkan xooga saarayaan Tallaalka Cudurada Jadeecada iyo Furuqa, kaasoo laga tallaali doono lix Malyan oo Neef, saddex Malyan waxaa laga tallaalayaa Jadeecada, sidoo kale waxaa jira boqol kun oo neef oo la daaweynayo.

Dhageyso Warbixin: