Faah faahin: Weerar ‘Ismiidaamin’ ah oo Ciidanka DFS & AMISOM lagula eegtay Gobolka……

0

Qarax Ismiidaamin ah ayaa waxaa Shalay oo Isniin ah Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Duleedka Deegaanka Buq-aqable, ee Gobolka Hiiraan.

Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qaraxa Islamarkaana uu waday Nin Isqarxiye ah, ayaa dhegda ka galay Kolonyada Gaadiidka Ciidanka Isbahaysiga, xilli ay doonayeen inay galaan Deegaanka Buq-aqable, oo 90Km dhanka Galbeed ee Magaalada Beledweyne ku yaalla.

Weerarka ayaa waxay Al shabaab doonayeen inay uga horjoogsadaan Ciidanka DFS & AMISOM uga horjoogsadaan Ciidanka Huwanta ah qabsashada Deegaankaasi, oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah isku furka Degmooyinka Go’doonsan ee Gobolka Hiiraan.

Lama oga Khasaaraha ka dhashaya Weerarkaasi, waxaana la sheegay in Ninka Isqarxiyaha ah oo kaliya uu ku dhintey Qaraxa Gaariga lagu soo xiray, waxaana Ciidanka Isbahaysiga ay si buuxda ula wareegeen Maanta Deegaankaasi, kadib maalmo Dagaal socday.