Waxaa lagu wadaa maanta oo Axad ah in Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ay hortagto Wasiirka Waxbarashada Somalia, Khadra Bashiir Cali.
Golaha ayaa codsaday in Wasiirka ay hor imaado Baarlamaanka Soomaaliya si ay su’aalo uga weydiiyaan howlaha Wasaaradeeda oo todobaad ka hor uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari ku eedeeyay Howl ka gaabin.
Mahad Cabdalla Cawad oo ah Gudoomiye ku-xigeenka labaad ayaa u yeeray Wasiirkaa waxa uuna sheegay in Baarlamaanka uu qabo Su’aalo ku aadan howlaha Wasaaradda islamarkaana looga baahan yahay Turxan bixinta Su’aalahaasi.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “Wasiirka waxaa laga doonaayay in maanta oo Axad ah ay hortimaado Baarlamaanka , Wasiirka waxaan ka codsanaynaa inay waqtiga ilaaliso Baarlamaanka iyada ayuu u fadhiyaa”
Wasiir Khadra Bashiir Cali, ayaa dhawaan lagu eedeeyay in mudada ay heyso xilka aysan wax kusoo biirin Wasaarada gaar ahaan Howlaha Tacliinta sare.