WARBIXIN:- Duqa Garoowe oo sheegay in maamulkiisa Culimada kala shaqaynayo Dacwada.

0

Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Geelle Shoodhe oo maanta ka qeyb galay shirweynihii 5-aad ee Mu’asasada Al-minhaaj ayaa ka hadlay doorka la shaqaynta Culuma u diinta iyo sida maamulada degmooyinka ula shaqayn karaan Culimada.

Duqa Degmada Garoowe ayaa mu’asasadu ku amaanay waxqabadka ay soo bandhigta maanta ee muddada sanadka soo waday, wuxuu sheegay in ay waxqabadkan u baahnaayeen bulshada qeybahooda kala duwan.

“Runtii waxaan filayaa mu’asasadani waxay ku socotaa tubtii ay mareen dhalinyaradii SYL, maadaama ay billaabeen inay ka shaqeeyaan, Waxbarashada, Caafimaadka iyo sidoo kale dar-dar galinta Diinta Islaamka”Ayuu yir Duqa Degmada Garoowe.

Wuxuu sheegay in ay wanaagsan tahay in Culumada laga shaqeeyo Dacwada, Isagoos sheegay in magaalooyinka ay jiraan arrimo badan oo wacyi gelin u baahan dhankasta diini iyo maadi, arrintaansa ayuu sheegay in uu xoojin doono culimadana la kaashan doono.

Gudoomiyaha degmada mudane Axmed Siciid wuxuu sicad u sheegay in la shaqaynayo hadii uu ku guuleysto Jagada gudoomiyaha degmada Garoowe iyo hadii ka laba, maadama sida uu xusey ay wadaan danta umadda Soomaaliyeed.

Xafiiska wararka
Duqa Degmada Garoowe