TOP DHAGEYSO WAREYSI: Muungaab Oo Beeniyay in Shacabka Uu Dhaco !!.

0

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi, ayaa waxa uu heshiis iskaashi oo dhinacya badan ah la gaaray dhigiisa Nairobi, Evans Kidero.

Muungaab oo wareysi gaar ah siiyay BBCda ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha ammaanka iyo eedaymo ku aadan in xoog lagu maquuniyay dad barakacayaal ah taas oo uu iska fogeeyay.

Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (Cagayare) ayaa waxa uu Muungaab kula kulmay hoteelka uu ka degan yahay magaaladata Nairobi, wareysi ayuu la yeeshay oo marka hore waxa uu waydiiyay waxa ay ku saabsanayd booqashadiisa Nairobi?