Wararka haatan ka imaanaya Madaxtooyada soomaliya ayaa sheegaya in haatan uu socdo Kulan lagu ansixinaayo Maamulka u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb Galay madax ka tirsan dowlada soomaliya wasaarada arimaha Gudaha iyo madax ka socoto Maamulada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan
Mudooyinkii dambe waxa la Hadal haayay arinta ku aadan sidii loo amba qaadi laaha dhisida Maamul U sameynta Gobolada shabeelaha dhexe iyo Hiiraan oo Hakad ku Yimid
Sidoo kale wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya C.raxmaan Odowaa ayaa dhawaan sheegay in uu Furmi doono shirka Maamul u sameynta Gobolada hiiraan iyo sheebeelaha dhexe
Shirkaan ayaa ka Furmo doono Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan sida Horey loo shaaciyay.
HOOS KA DHAGEYSO WARIYE XASAN COWKE OO GOORDHOW OGA WARAMAY AGGM.