Gudoomiyaha Degmada CEELBUUR oo ka warbixiyay “Xaaladda Amniga” +Warbixin.

0

Maamulka Degmada Ceelbuur, ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu ka warbxiyay Xaaladda Amni ee Degmadaasi xilli Al shabaab ay diidan yihiin wali Gaadiidka Ganacsiga inay tagaan Degmada.

Nuur Xasan Guutaale, oo ah Gudoomiyaha Ceelbuur ayaa u sheegay Warbaahinta in Shacabka Degmadaasi ay wali ka baqayaan Al shabaab ku dhex-dhuumaalysanaya Gudaha Degmada oo Dadka Fariimo Hanjabaad ah u dira.

Xaaladda Amni ee Ceelbuur waa Caadi, balse Weli dadka cabsi ayaa kujirta waxayna kacabsanayaan Al-Shabaab oo Gudaha ku jira, taasina goordhow ayaan xal ukeeni doonaa,” ayuu yiri Guutaale.

Deegaanada ku yaalla Degmada Ceelbuur ayaa waxaa ku sugan Al shabaab, waxaana ay Mararka qaar Weeraro ku qaadaan Degmada oo wali ay ka samri la’yihiin, maadaama ay u ahayd Xaruntooda Dhaqaalaha & Ciidanka Gobolka Galgaduud.