Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Nin Isa soo miidaamiyay uu ku qarxay Shalay Gelinkii danbe Gudaha Degmada Kaaraan, ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Yuusuf oo tagey Degmada Kaaraan, ayaa waxa uu sheegay in Qarax uu ahaa mid ka dhashay Nin xirnaa Walxaha Qarxa uu ku dhex-qarxay Guri ku yaalla Degmadaasi.
Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida C/raxmaan Tuuryare ayaa sidoo kale Goobta gaarey, kana warbixiyay sida ay wax u dhaxeen, isagoona sheegay in Nin qaraxa ku xirnaa ay usoo direen Al shabaab inuu Qarax ka geesto Muqdisho, balse uu iskiisa u qarxay isagoo fulin Weerarka.
Maxa’ed Yuusuf ayaa sheegay inay Ciidanka Xireen Xaaska uu qabay Ninka qarxay, iyo Mulkiilaha Guriga uu deganaa iyo sidoo kale Nin kale oo la sheegay inuu Mootada Bajaajta ku qaadi lahaa.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa xusay in Khasaaro uusan ka dhalan Qaraxa, marka laga soo tago Ninka qarxay oo Naftiisa ku waayay Qaraxa Jirkiisa ku xirnaa.
Al shabaab kama aysan hadlin Arintan