War Deg Deg Ah: Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Baadhasho Iyo Dhac Ka Wada Xaafada Guul-Wade Ee Kismaayo

0

Kismaayo(AGGM) Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa hadda dhac iyo boob baahsan ka wada xaafada Guul-wade ee Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ka wadaan dhibaato lixaad leh oo soo gaareysa shacabka ku dhaqan xaafadaasi,waxaana la sheegaya inay halkaasi ka geysteen falal bini aadamnimadda ka baxsan.

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni gaar ahaana ka amar qaata Horjooge Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay halkaasi galeen isla markaasna ka wadaan waxay ugu yeereen baaritaan,waxaana la sheegayaa inay dhawr dukaan oo xaafadaasi ku yaalay ka dhigteen bartilmaameed kana qaateel lacago dad ganacsato ahi lahayeen.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in laga soo abaabulay hoyga ay ku tilmaamaan Madaxtooyadda ee farisiinka u ah Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in weerarka saaka lagu qaaday Xaafada Guul-wade uu xiriir la leeyahay fashil  Horjooge Axmed Madoobe ku haysta Degmadda Doolow.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in qaar ka tirsan Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee hadda ku sugan kismaayo amreen in la barakaciyo shacabka ku dhaqan Xaafada Guul-wade,waxaana la sheegaya inay Xaafadaasi si gaar ah u degan yihiin beelo gaar ah.

Ugu dambeyntii Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa u muuqda in waqtigoodu gabaabsi yahay isla markaasna ay u kicitimi doonaan degaanadii laga soo aruriyey ee Gaarisa Gubaay iyo Kilinka 5-aad,waxaana ay gacanta ku soo qaadanayaan wixii ay gacanta la helaan,maadama aysan aaminsaneyn inay ku sii nagaan doonaan Gobollada Jubooyinka qaybo ka mid ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com