Maxkamad ku taala magaalada San Diego gobolka California ayaa dhagaysanaysa dacwad loo haysto 6 muwaadin oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan kooxda Daacish ee bariga dhexe ka aas aasan.
Dacwad oogayaasha maxkamada qaadaysa kiiska dhalinyaradaan ayaa sheegay in lixdaan muwaadin oo laq qabtay bishii April ee sanadkaan ay qorshaynayeen inay u safraan dalka Turkiga kadibna ay u sii gudbaan Suuriya ama Ciraaq si ay dagaalamayaasha Daacish.
Gudoonka maxkamada ayaa loo gudbiyay qoraalo la sheegay in laga helay guri ay degenaayeen labo muwaadin oo lakala yiraahdo Max’ed C/xamiid Faarax iyo C/raxmaan Yaasiin Daa’uud kuwaasoo ay ku qoran yihiin qoraalo ay is dhaafsadeen xubno Daacish ka tirsan oo Syria jooga
Gudoonka maxkamada ayaan willi go’aan qaadan waxaana loo balamay Isniinta soo socota.
Maxkamadaha Maraykanka waxaa ka socda kiisas loo haysto muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay taageeraan ururada argaxisada loogu yeero.
hoos ka dhageyso: