Maamulka Ahlusunna ee gobolka Galguduud ayaa ku xukumay min 2 bilood oo xarig ah saddex weriye oo ka howlgala magaalada Dhuusomareeb.
Saddexdan weriye ayaa maxkamad ku taal magaalada Dhuusomareeb waxa ay ku eedeysay inay warar been ah ka faafiyeen maamulka Ahlusunna ee ka jira gobolada dhexe ee dalka.
Weriyayaasha la xukumay ayaa waxaa ay kala yihiin C/llaahi Warsame Rooble, Cabdi Jamaal Macallin Axmed iyo Bashiir Maxamed Salaad oo dhammaantood u shaqeeya idaacado ka dhisan magaalada Dhuusomareeb wakiilana u ah idaacado iyo taleefishino kale.
Garsoorihii qaadayay dacwada markii uu xukunka ku dhowaaqay ayaa buuq iyo qeylo mar kaliya isu bedeshay goobtii dacwada ka socotay.
Hase yeeshee Maxkamada ayaa sii daysay Wariye Leylo Nuur Cilmi oo ka mid ahayd weriyaashii dacwada lagu soo oogay.
Maxkamada ayaan weli go’aan ka gaarin weriye Maxamed Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa saxafiyiinta la eedeeyay balse xanuun awgii haatan ku jira isbitaal ku yaal magaalada Dhuusomareeb.