XOG:- Dowlada Somalia oo loo diiday in lasiiyo dhaqaale deen ah

0

Hay’adda Lacta Adduunka ee loo yaqaan IMF ayaa sheegtay in hadda aysan deyn siin Karin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo aan bixin lacagta hore ee lagu leeyahay.

IMF waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay ku leedahay lacag dhan $328M oo Doollar ilaa lacagtaas ay ka bixiso Dowladda Soomaaliya ama ay la timaaddo qorshe lagu bixinayo lacagtaasi.

Waxaa uu sheegay masuul ka tirsan Hay’addaasi oo lagu magacaabo  Rogerio Zandamela ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedhay Kheyraad badan oo dabiici ah loona baahan yahay in ay Dowladda qorshe dejiso  kaas oo  wax looga qabanayo amniga dalka lagina soo saarayo Kheeyraadka dabiciga ah ee uu leeyahay Dalka.

IMF-tu waxaa ay  intaasi ku dartay in heerka wax soo saarka gudaha dalka ee loo yaqaan GDP uu kordhay 3.7% intii u dhaxeysay 2012-2014 taas oo ay sabab u tahay  Ganacsiga garka loo leeyahay sida Isgaarsiinta,Sharikada dhismaha, Xawaaladaha iyo dhoofinta laga sameeyo Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga kuwaas o inta ugu badan ay sameynayaan Qurba jog dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaa uu sheegay Masuulkaasi ka tirsan IMF in 20 Sano ay Soomaaliya ku jirtay  dagaal sokeeya haddase ay ka baxeyso iyada oo ay joogaan Ciidamo ka socda Midowga Afrika kuwaas oo nabad ilaaliyayaal ah.