Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaa maanta ka furmaya Shir Caalami ah oo looga hadlayo Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee New Deal, kaas oo ay wada jir u shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxmuud iyo Ergayga QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay.
Shirka Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aan ka qeyb galeyn Maamulada Puntland iyo Kooxda Kismaayo ee uu hogaamiyo axmed madoobe, kuwaas oo horay u qaadacay ka qeyb galka Shirka Muqdisho maanta ka furmaya.
Shirkaasi ayaa Docda Kale ku soo Beegmaya Xilli Golaha Wasiiradda iyo Baarlamanka Fedraalka ah Ay Shalay isku raaceen in sanadka 2016 aysan dalka ka dhaceyn Doorasho Xor Ah.
Puntland ayaa Horay Xiriirka Ugu Goysay DF Walow Dhawaan Reysulwasaaraha Somaliya Uu Soo Booqday Puntland.
HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: