Taliska Amisom ayaa war ka soo saaray khasaare ay sheegeen inay gaarsiiyeen Alshabaab labadii weerar ee ay kula wareegeen Magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere ee Gobolada Bay iyo Gedo.
Taliska Amisom oo 10 maalin ka badan ay ku qaadatay inay kula wareegeena Baardheere iyo Diinsoor ayaa warbixintooda ku sheegay in ka badan Boqol alshabaab ah inay qaarna dileen, qaarna dhaawaceen iyo qaar kalana nolosha ku qabteen.
Taliska Amisom waxay sheegteen inay dagaaladaasi isku darkooda ku dileen 70 dagaalyahan oo alshabaab ah ,sidoo kale waxay sheegteen inay dhaawaceen 24 halka ay nolosha ku qabteen 9 dagaalame inkastoo aysan soo bandhigin.
Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Amisom sidoo kale ma jirto cadeymo muujinaya waxa ay seeganayaan ama xitaa qiraal dhanka alshabaab ah toona.