Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe waxaa maanta lagu daahfuray Machadka Cilmi Baarista iyo Horumarinta ee SIRDA oo ah mid Cusub, Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland C/xakiim Camey iyo Xubno ka socday Goleyaasha Dowladda iyo Marti sharaf kale oo kala duwan ayaa kasoo qaybgalay Munaasibadda Daahfurka Machadka SIRDA.
Machadkaan SIRDA waxaa aas aasay Mr Guuleed Saalax Barre oo ahaa Wasiirkii hore ee Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland, waxaana khudbad uu maanta ka jeediyey Furitaankii Machadkaan uu ku sheegay in Ujeedkiisu yahay inuu soo saaro Cilmi Baaris Rasmi ah oo la timaada horumarin.
Guuleed Saalax Barre Agaasimaha Machadka SIRDA ayaa sheegay in furitaanka Machadkaan ay ku timid baahi loo qabay in la helo Cilmi Baarista iyo Horumarinta,isagoo xusay in Macaahid kale oo Cilmi baaris ah ay Puntland ku yaallaan balse dalku si uu horumar u gaaro loo baahan yahay in Cilmi baarista la kordhiyo, isagoo xusay in Machadka SIRDA uu wax weyn ka bedeli doono Cilmi Baarista Puntland
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cumar Camey oo daah furay Machadka ayaa sheegay in Soomaalidu ayaamihii dambe ay xoogga saarayeen Xarumaha Cilmi baarista taasi oo u muuqata mid looga gudbi karo dhibaatooyin fara badan oo dalka ka jira, waxaana uu si gaar ah u soo dhaweeyay Machadkaan SIRDA.
Daawo sawiradda: