Abaaro 4:00 galabnimo ee maanta ayaa gaari nuuca xamuulka ah, isla markaana laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaa lala eegtay ilinka hore Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay weerarkaasi waxaa ku geeriyooday 11 qof, halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo u badnaa dad rayid ah, waxaana dadka halkaasi ku geeriyooday ay ahaayen shacab waddahada marayay, oo uu ku jiray Wariye ka tirsan Telefishinka Universal oo lagu magaabi jiray Maxamed Cabdikariin, iyadoo uu dhaawac ka soo gaaray Wariye Salmaan Jamaal Saciid oo ay hal hay’ad ka wada shaqeynayeen.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Hotel Jaziira ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid argagixisadu ay ku dooneyso inay ku waxyeeleyso dadka degan Hotelka.
HOOS KA DAAWO MUUQAAL: