Akhri Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Moqokori.

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 5-ruux oo dhamaantood shacab ahaa sida Saraakiisha ay sheegeen.

Taliyaha ciidamada Dowladda ee degmada Maxaas Muumin Maxamed Saney, ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa waxyaabaha qarxa ee dhulka lagu aaso, laguna xiray goob dhalinyarada isugu timaado oo deegaanka Moqori ku taallo.

Waxa uu tilmaamay Taliyaha in qaraxaan uu ahaa mid lasoo farsameeyay oo la’isku soo xir xiray, lana soo dhigay meesha ay dadka ku sugnaayeen waa sida uu hadalka u dhigay.

Dadka dhaawacmay ee 5-ta ruux ayaa qaarkood loo qaaday Magaalada Beladweyne si halkaasi loogu soo daweeyo, maadaama deegaanka Moqokori aysan laheyn goob caafimaad oo dadka lagu daaweeyo.

Lama oga cida ka dambeysa qaraxaan, inkastoo Saraakiisha ciidamada ay ku eedeeyeen in Ururka Al Shabaab ay ka dambeeyeen qaraxaan dadka shacabka ah lagu dhibaateeyay.

Deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa todobaadkii lasoo dhaafay la wareegay ciidamada Dowladda Somalia iyo  kuwa Amisom oo isgarabsanaya, xilli ay ka duuleen Degmada Maxaas ee Gobolkaasi Hiiraan.