CAJAB IYO CIBRO QAADASHO:- Maxaa Ku Dhacay Ninkii Meydkasta Deynta U Qabsan Jiray ‘Ku Cibro Qaado’..

0

Beribaa waxa la yidhi waxa jiray nin ninkasta oo odayada reerka ah oo dhinta marka la soo aaso u tagi jiray dadkii uu ka baxay ama caruurtii uu dhalay oo ku odhan jiray , Hebeloow Aabahaa Alle ha u naxariisto, maanta wuu dhintaye, Balse Qarshi dayn ah ayaan ku lahaaye ka soo bixiya.

Ninkaas oo u bartay in qaan u sheegashadaas marxuumka qarshigaas masabidka ah lagu siiyo, ka dibna sidaas caan ku noqday ayay dadwaynihii degaanku aad u karaahiyeysteen kadibna waayo danbe ayaa waxa xanuunsaday oday da’ wayn oo dhowr wiil oo mudakar ah lahaa , ileen waa bixisee odaygii ayey waydiiyeen wiilashiisii markuu uu aabahood sakaraadayay iyagii oo ku yidhi aabo waa adigan oo maanta waad culus tahaye hadii ay taadii noqoto aan sii ogaanee ileen ninkii hebeL wuu noo iman doonaaye miyuu qarshi dayn ah kugu leeyahay aanu kaa bixinee?