DHAGEYSO : Faah faahin | Xaalada Degmada Diinsoor oo maanta Degen.

0

Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda Gacanta ugu dhigay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,halkaa oo ay iskaga baxeen Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Guutada Lixdanaad G/sare Cismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in si Nabad galyo ah ay ku gaareen Magaalada oo ay isku fidiyeen Dhamaan Degmada.

Sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Guutada Lixdanaa Gaashaanle Sare Cismaaciil Khaliif ayaa sheegay in mar hadii ay qabteen ay u Jahaysanayaan Dhanka Gobolka Jubbada Dhexe sida Bu’aale Jilib iyo Saakoow oo Shabaab ay Maamulaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya maanta in ay Degen tahay Magaalada Diinsor o Sanado badan ay Maamulayeen Shabaab,balse maanta Gacanta Dowladda soo gashay.

Hoos ka dhageyso :