Maamulkii dhawaan loogu dhawaaqay Magaalada dhuuso Mareeb Ee Gobolka Galgaduud ayaa sii daayay ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo dhawaan lagu qabtay dagaalo ka dhacay inta u dhaxeysa Cabudwaaq iyo xiraale waa sidey Hadalka u dhigeen
Sheikh cali warsame Gudoomiye Ku xigeenka Magaalada Dhuuso Mareeb ee Maamulkii dhawaan Lagu dhisay oo waresyi siiyay Shabakadda All-galgaduud Media ayaa sheegay in iyagoo Fiirinaya Biniaadanimad Iyo Codsi ka Yimid Maamulka Gobolada dhexe ee ahlusuna ay xabsiga kasii daayeen ciidamada ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ay ku qabteen dagaalkii dhawaan ka dhacay inta u dhaxeysa Cabudwaaq iyo xiraale
Dhanka kale Ma sheegin Tirada Rasmiga ah ay xasbiga ka sii daayeen Maamulka ahlusuna waljameece ee ciidamada dowlada soomaliya ka Tirsanaa
Hoos ka dhageyso wareysiga: