Caawa Maxaa Ka Socda Kismaayo & Hoos-jooge Fartaag Maxaa Maanta Qabsaday?

0

Kismaayo(AGGM) Xarunta Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ku tilmaamaan Madaxtooyadda waxaa caawa ka socda is dhex yaac iyo jahwareer siyaasadeed oo la soo darsay Horjoogayaasha iyo Hoos joogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana caawa halkaasi ka socda waxay ku tilmaameen shir Jaraa’id ka dib markii maanta ay degmadda Doolow kala kulmeen xaalad culus oo waji gabax ku keentay.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa amar deg deg ah dul dhigey Hoos-jooge Isbatoore Fartaag amarkaasi oo ahaa inuu shir jaraaid qabto kuna marti qaado Saraakisha Ciidamada Itoobiya ee ka mid ah hawlgalka ciidamada Amisom ka wadaan gobolka Gedo.

Hoos-Jooge Isbatoore Fartaag oo ah nin u dhego fudud Horjoogihiisa Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Maanta duhurnimadii isku dayey inuu qabto Shir Jaraaid oo ku saabsan inay saraakisha ciidamada Itoobiya ku shaaciyaan inay ciidamada dawlada federaalka ahi yihiin ciidamo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni, balse waxaa arrintaasi si cad uga hor yimid saraakisha dawlada itoobiya oo shaaciyey inaysan ciidamadani ahayn kuwo tageersan ama ka amar qaata Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana ay saraakishu sheegeen in ciidamada ay ka amar qaataan wasaarada Gashaandhiga dawlada federaalka ah ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa arrimahaasi faraha la soo galay Saraakisha dawlada Kiiniya  ee qaybta ka ah Ciidamada Amisom gaar ahaan ku sugan degmadda Baardheere waxaana la sheegay inay xiriir toos ah la samayeen Saraakisha Amisom ee ku sugan doolow kuna wargeliyeen inuusan Hoos Jooge Fartaag uusan qaban karin Shir Jaraaid oo lagu tilmaamayo inay ciidamadaasi yihiin qayb ka mid ah kuwa Raaskambooni.

Saraakisha ciidamada Amisom ayaa si cad ugu sheegay inuusan Fartaag qaban karin wax shir jaraaid ah oo ku aadan hawlgaladda ka socda gobolka Gedo,waxaana ay si cad ugu sheegeen in amarkaasi ka yimid Taliska Ciidamada Amisom ee Magaalada Muqdisho isla markaasna shirka jaraaiid iyo warsaxafadeedyadda arrimahaasi ay u taalo wasaarada Gashaandhiga dawlada federaalka ah.

Horjooge Axmed Madoobe iyo hoos joogayaashiisa Maleeshiyaadka raaskambooni oo caawa waagu baryey ayaa caawa ku shiran Hoyga ay ku tilmaamaan Madaxtooyadda waxaana ay kaga hadlayaan sidii ay u wajahi lahayeen xaaladaha qalafsan ee soo foodsaaray kooxdooda.

Ugu dambeyntii waxaa muuqda in Saraakisha ciidamada Kiiniya ee ku sugan gobolladda Jubooyinka iyo Gedo mawqif cad ka qaateen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka ka dib markii ay waxyaabo badan isku fahmi waayeen oo ka  mid ah dagaalada lagula jiro Alshabaab,waxaana saraakisha Ciidamada Kiinyia shaaciyeen inaysan Maleeshiyaadka Raaskambooni awood u lahayn inay dagaal galaan isla markaasna iska difaacaan Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com