XOG:Horjooge Axmed Madoobe OO Amar Dul Dhigay Hoos Jooge Isbatoore Fartaag

0

Kismaayo(AGGM) Shirar saacado badan qaatay oo u socday horjoogayaasha iyo hoos joogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegay inay kaga wada hadlayeen hadallo culculus oo ka soo yeeray Saraakisha ciidamada dawlada federaalka ah ee la wareegay Degmadda Baardheere,waxaana hadalladaasi ahayeen kuwo cabsi iyo argagax ku abuuray Horjoogayaasha Raaskambooni.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa la shaaciyey inuu saaka waberigii Khadka telefoonka kula xiriiray Hoos-joogayaashisa uu ugu horeeyo Isbatoore Fartaag oo hadda ku sugan degmadda Doolow,waxaana uu Horjooge Axmed Madoobe uu Hoos-joogihiisa Isbatoore Fartaag ku amray inuu shir deg deg ah qabto isla markaasna  cadeeyo in ciidamada Maamulka Jubbaland lagu tilmaama ay la wareegeen degmadda Baardheere.

Arrintaasi ayaa la sheegay inay cadeynteeda ka doonayaan horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni Hoos-Joogayaashooda ku sugan degmada Doolow,kuwaasi oo aan wax wara iyagu ka hayn hawlgaladda ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ka wadaan degmada Baardheere.

Hoos Jooge Isbatoore Fartaag ayaa saacadihi la soo dhaafay idaacada ku hadla afka Maleeshiyaadka Raaskambooni been ku asqaysiiyey isagoo u sheegay inuu ku sugan yahay Jiidaha hore ee dagaalka ee duleedka Baardheere sheegeyna inay ciidamada uu ku tilmaamay Jubbaland inay dagaalka hormuud u yihiin,waxaana hadalkaasi u cuntami waayey horjooge Axmed Madoobe.

Horjooge Axmed Madoobe ayaa xaqiiqsaday inaysan jirin wax ciidamo ah oo tageersan maleeshiyaadkiisa,waxaana la shaaciyey inuu wado qorshe uu doonayo inuu Isbatoore Fartaag ku cadeeyo arrimaha ka socda  gobolka Gedo ee shabaab loga xoreynayo Gobolladda Jubbooyinka iyo Gedo.

Ugu dambeyntii Hoos-jooge Isbatoore Fartaag ayaan la ogeyn inuu qaban doono Shir Saxafadeed ku aadan arrimaha Horjoogihiisu u soo jeediyey ee ah inuu cadeeyo arrinta uu iidaacadaha siiyey ee ah in ciidamada Maleeshiyaadkoodu qayb ka yihiin weerarada Alshabaab looga xoreynayo goboladda jubooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com