Wararka naga soo gaaraya magaaladda cabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal beeleed udhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa ahlusunna iyo Ciidamado ka amar qaata Kuwa maamulka dagmadda ee dowladda somaliya.
Isgaarsiinta ayaa Adag, Korontadana waalaga jaray magaaladda iyadoo uu xirmay guud ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaaladda.

Qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka caawa fiidkii ka bilowday dagmadda cabudwaaq waxaann la xaqiijiyay hadda dhaawac ka badan ilaa 5- qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.
Maaha markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan ahlusunna iyo kuwa dowladda ay ku dagaalamaan magaaladda cabudwaaq ee waqooyiga gobolka galgaduud.
La soco faah faahinta insha allaah.