DHAGEYSO:- Munaasabad dhaqanka lagu weyneyay oo Muqdisho ka dhacday.

0

Dharka hidaha iyo dhaqanka Ee Guntiinada Haweenkeenu ay Xirtaan Ayaa lagu Xardhay Halkii xafladu ay ka dhaxeceysa Xalay oo aheyd Xarunta dagmada waabari .

fanaaniin da’yar iyo kuwa caan ah oo dalka dibadiisa ka yimid ayaa xafladda oo dhaqankeena lagu weyneynayay wacadaro ka dhigay waxaa ka mid ahaa fanaaniintaas Fowsiyo danka oo dibada ka timid, waxa ay ledahay muqdisho muqaalkeedii hore ayaa soo bidhaamay.

kooxda dhaqanka ee degmada waabari ayaa xaflada ku soo bandhigay bandhigay bandhig aad loo jecleytay oo dhaqankeena  la xiriiray.

Fagaaraha waxaa yaal-dhiil Cugan Xaarin iyo agabka kale oo wax lagu karsado iyo midka lagu cuno oo Xeero ay ku jirto –waa alaab dhameytirin oo aan midna dibada laga keenin oo Geedaha dalka ka baxa ayaa intooda badan laga sameeyay.

Raggu waxa ay wataan Masaar –iyo yaanbo oo waxa ay matalayaan iyagoo Beerta limaya  haweenkuna Soortii iyo canaahii geela ayeey Diyaarinayaan.

Markii Raggu uu beerrii ka soo baxay ayaa Soortii iyo caanahii geela wada jir loo sarabsaday Ama loo cunay .

Hadda waxaa lagu jiraa Xiligii Badxiranka Bad-Ama Diyaarad Somaalida waa ay ka kaaftoomi kartaa sidaas waxaa lagu muujinayay Ruwaayad bar-baarta waabari ay soo bandhigeen .

Halkan ka dhegeyso.