Daawo Sawirada: Madaxwayne Cali Khaliif Galeyr iyo Wufuud badan oo gaaray Cadaado.

0

Waxaa magaalada Cadaado gaadhay Wafdi oo ka mid yahay Madaxwayne Cali Khaliif Galaydh oo ay kamid yihiin Madaxwaynihii Hore ee Maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) Xildhibaano ka tirsan Dawlada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha ayaa Siwayn loogu soo dhoweeyay magaalada Cadaado wuxuuna halkaasi uga qayb geli doonaa Caleemo saarka madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug oo ka dhici doona magaalada Cadaado maalinta Beri ah.

Magaalada cadaado ayaa waxaa cawaa siwayn Looga dareemayaa Diyaar Garowga Madaxda maamulka Gal-mudug, waxaana kusoo Qul-qulaya Wufuud kala duwan oo isaga imaan doonta Guud ahaanba Dalka Soomaaliya.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa loo galbiyey Halka loo qorsheeyay inay ka dagaan magaalada Cadaado oo hada Xarun ah maamulka Galmudug.

DAAWO SAWIRADA:
aadDSC08928DSC08919DSC08914DSC08913DSC08912DSC08911DSC08910DSC0890956galaydh