TOP NEWS:- General Muxudiin oo ciidankii iyo hubkii uu la gadooday ku wareejiyay Puntland.

0

Sarkaalkii dhawaan ka gadooday ciidamada Maamulka Puntland ee General Muxudiin Muuse ayaa ciidankii iyo hubkii uu la gadooday wuxuu ku wareejiyay Maamulka Puntland, kadib markii la xaliyay arimihii uu ka gadooday.

Odayasha Puntland ayaa arintaan dadaal ku bixiyay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Generaal Muxudiin uu ka tabtay C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland.

Xaflad ka dhacday Xero ciidan oo ku taallo Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayuu Generaal Muxudiin ku wareejiyay ciidankii iyo hubkii uu la gadooday.

Wuxuu sheegay inuu u tanaasulay danta shacabka iyo wanaaga reer Puntland, isaga oo hoosta ka xariiqay in ciidanka hada kadib ay ka amar qaadanayaan Taliska Puntland.
“Waan wareejiyay hubkii iyo ciidankii waxaan u wareejiyay inaan ka taliyo wanaaga Puntland wax kasta oo aan tabanayay waan ka tanaasulay.” Ayuu yiri Gen.Muxidiin.

Wasiirka amniga Maamul Goboleedka Puntland, ayaa sheegay in ciidanka hada kadib si toos ah ay u heli doonaan xuquuqdooda.
Kolkii hore gadoodka Generaal Muxudiin wuxuu sabab uga dhigay in ciidamada aysan helin mushaaraad iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen Maamulka.