Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa dad shacab ah waxa ay ku laayeen maanta Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ciidamada Amisom lagu tuuray bam gacmeed.
Markii bam gacmeedka lagu tuuray kadib oo dadkii ay ka carareen qaraxa ayaa la sheegay in ciidanka Amisom ay ku faafeen xaafadaha Magaalada Marka oo ay ku laayeen dad shacab ah.
Tirada dadka Amisom ay laayeen ayaa la sheegayaa ilaa hada inay gaareyso 7-ruux oo shacab ah oo Amisom ay ku dileen Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Marka, gaar ahaan Xaafadaha kala ah, Juungal, Ruusiya, Ceel Bashiir iyo Xaafada Buulo eelaay.
Afar qof meydkooda waxa ay yaalaan xaafadaha Ruusiya iyo Ceel Bashiir ee Magaalada Marka 3-ruux meydkooda waxaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Marka, sidoo kale 6-ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba oo rasaasta Amisom ay ku dhaawaceen ayaa la jiifiyay Isbitaalka Magaalada Marka oo daawo la’aan ay ka jirto.
Maxamed Cismaan Yariisoow, Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka ayaa xaqiijiyay tiradaasi dhimashada iyo dhaawaca, wuxuuna sheegay kolkii Amisom ay la xiriireen in Amisom ay ku jawaabtay in qarax bam lagu soo tuuray.
Hoos ka dhageyso: