TOP DHAGEYSO:- Reysulwasaare Cumar ” Xaduudaha Puntland Waa Lama Taabtaan, Galmugna Kuma Soo Xadgudbi karto”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa ka hadlay khilaafka dhanka xuduudaha ee ka dhex-taagan Maamulada Galmudug iyo Maamulka Puntland.

Markii ugu horeysay Ra’iisul Wasaare Sharmaake, wuxuu sheegay in xuduuda Maamulka Puntland ay tahay mid laba taabtaan ah oo ku cad Dastuurka Maamulka Puntland, hayeeshe waxa ay isku hayaan labada Maamul ayuu sheegay inay tahay magaca Mudug kaliya, ayna ku haboon tahay in labada Dastuur ee labada Maamul ay wanaagsan tahay in la iswaafajiyo.
Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in deeganada Puntland sidii ay ahaan jireen ay ahaanayaan wax iska bedelayana aysan jirin.

Waxa kale uu Ra’iisul Wasaaraha Somalia ka hadlay xilligii uu socday shirka Magaalada Cadaado in qudhiisa uu shirkaasi ka saaray dadka kasoo jeeda deeganada Puntland ee Cadaado u tagay ka qaybgalka shirka, islamarkaana uu dadkaasi u sheegay in shirka Cadaado uu ku saabsan yahay dadka Gobolada Dhexe kasoo jeeda oo aysan shaqo ku laheyn reer Puntland.
Hadalkana ayuu Ra’iisul Wasaaraha Somalia wuxuu ka sheegay Magaalada Burtinle ee deeganada Maamulka Puntland, xilli Odayaasha deegaanka halkaasi uu kula hadlaayay.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa hada ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Koonfurta Gaalkacyo ku sugan uu la kulmi doono, si uu kagala hadlo arimaha khilaafka labada Maamul.
Puntland ayaa ka cadheysan Maamulkaan Ugubka ah ee Galmudug oo ka dhisan Mudug iyo Galgaduud.
Hoos ka dhageyso: